Skip to main content

Frank Lampard oo soo afjaray murankii ka taagnaa tuurista rigoorooyinka kooxda Chelsea

London) 29 Sebt 2019.Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa soo afjaray murankii ku saabsanaa xiddigha u tuuraya Blues rigoorooyinka xilli ciyaareedkan.
Chelsea ayaa shalay guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Brighton & Hove Albion Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Talyaani Jorginho ayaa dhaliyay rigooradii loo dhigay daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta, kahor inta uusan goolka 2-aad dhalinin xiddiga reer Brazil ee Willian daqiiqadii 76-aad.
Kaddib murankii ka taagnaa xilliyadii lasoo dhaafay ciyaaryahanka looga dambeyn doono tuurista rigoorooyinka ee Blues, ayaa kaddib ciyaarta waxaa tababare Frank Lampard la weydiiyay su’aal ku saabsan haddii uu Jorginho yahay khabiirka rigoorooyinka ee kooxda reer London wixii xilligan ka dambeeya wuxuuna ku jawaabay:



Haa, isagu waa sidaas, tani waa dhamaadka sheekada, wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha”.
“Waxaan u baahneyn inaan badino, ma aanan helin kulan 90-ka daqiiqo aan u xakameynay sida la rabay, niyadjabka kaliya ayaa ah inaanan dhalinin goolal badan, sidoo kale waxaan shabaqeena ka ilaashanay wax gool ah”.
“Way fiicantahay in la helo kalsooni qofkasta, waxaan tuurnay shuudad badan qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin dhamaantood waxay ahaayeen kuwo daciif ah, iyo xoogaa nasiib xumo ah”.

Comments

Popular posts from this blog

Halkani waa Muqdishee maxaan wax looga qaban?

04 Okt 2019  – Inkastoo ay jiraan wadooyin la dayactiray hadana waxaa wali muuqanaya in marka la eego kaalinta ay muqdisho ka qaadato dhaqaalaha doowlada in ay aad u yartahay waxa magaalada dib loogu celiyo. Wasaarada maaliyada waxa ay horay u sheegtay in canshuurta muqdisho ka timaada ay sanadkii gaareyso 169 malyuun oo doolarka mareykanka ah taas oo ka badan kala bar miisaaniyada Dowlada. Waxaa dheer lacago kale oo dibedaha ka yimaada oo lagu kabo miisaaniyadda DF. Haddaba maxaa wax lagaga qaban la’yahay adeegyada dayacan? Sidoo kale waxaa jira dhaqaale si toos ah u gala gacanta doowlada hoose oo ah canshuurta doowlada hoose iyo qoondo uu gobalka Banaadir ka qaato dhaqaalaha dekadda ka soo xarooda.

SOOYAAL: Maxaa kala qabsaday Duq Buxuur & macallinkiisii Jarmalka ahaa?!

– Allaha u naxariistee Jenaraal Maxamed Abshir Muuse xiliguu ahaa taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliya sannadihii 60-meeyadii ayuu koox boliiska dambi-baarista u qaabilsan tababar ugu diray Wadanka Jarmalka oo booliiska Soomaliya caawimi jirey. Kooxdaasi wax aqoon ah oo ay u lahaayeen dambi-baarista ma jirin, laakiin waxaa kooxda ku jirey dhowr oday oo daba-gaabley ah oo ay danta iyo waayuhu iskood u tababareen oo siday dembi u baarayeen iyagu caqligooda kula soo baxay aqoon dembi baaris oo iyaga u gaar ah. Jarmalku waxay tababarka siinayeen dhowr waddan oo Afrikaan ah oo xiliyadaas xoriyadda qaatay. Macalinkii Jarmalku markuu qolkii tababarka soo galay ayuu ardaydii weydiiyey hadday arkaan qof dhintay oo jiirkiisii inta baab’aya keliya lafihiisii soo hareen sida lagu ogaan karo in qofkaasi yahay nin iyo inuu naag yahay. Duq Buxuur oo Soomali ah ayaa farta taagay: Waxaan ku ogaanaynaa dumarka iyo raggu waxay ku kala duwan yihiin lafaha miskaha oo miskaha dumarku way kala

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:     Xili Wali la dareemayo culeeska Siyaasadeed ee ka Dhashey Kala fikir Duwanaanta soo kala dhex gashey Madaxda Ahlusunna iyo Raysulwasaare Kheyre ee ku Saleysan Habka Awood Qeybsiga Galmudugta Dhismeysa kaa oo Sababey in ugu Dambeyn Ahlusunna Hakiso Faro_Galinada Amni ee Cusub Ayaa Haatan waxaa Xaalada Soo Dhex_Gashey Beesha Caalamka . Wakiilo ka Socda Beesha Caalamka ayaa Maanta ka Baaqdey Safar ay ku imaan lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb oo Guntiisu aheyd in Ay marqaati ka N oqdaan Heshiiska Dowladu la Gashey Ahlusunna dalabkaa oo ka Yimid Dhanka Madaxda Ahlusunna ayaa Noqonaya mid ay kaga Gudbayaan Shaki ay Ka Qabaan Tilaabooyinka Raysulwasaaruhu Qaadayo oo Walaaca Culumadu ka Qabto uu Yahay in Ugu dambeyn Raysulwasaaruhu ka Baxo Heshiiska maadaama aysan Jirin Cid Aragtay Nuqul ka mid ah Waxa Lagu heshiiyey Kheyre ayaa Isku Dayaya in uu Siyaasadiisa u Jaheeyo Qaab Si ahaan ka duwan  # Jadwalkiisii  Hore ee Heshiiska maadaama Xi