Skip to main content

Jeneraal Odowaa dhiirigalin mooyee dhaliil nagama mudna

(Hadalsame) 28 Sebt 2019 – Waxaa 22-kii bishii tagtay Agoosto 2019 loo magacaabay Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Jeneral Odowaa Yuusuf Raaghe  oo 32 jir ah.

Waxaa maalmahaan igu batay in aan arko dad badan oo duraya ama dood galinaya magacaabidda Odowaa loo magacaabay xilkaas, ayagoo sabab uga dhigaya inuu yahay Sarkaal da’ yar oo aan lahayn waayo-aragnimo ku filan, kuna qaban karo xilkaas.
Hase yeeshee, waxaa jira dad kale oo aan anigu ka mid ahay oo qaba in Jeberaal Odowaa uu leeyahay Aqoon, Waaya-aragnimo shaqo iyo karti uu ku qaban karo xilkaas, xilligeedina la joogo.
Aan aragtida difaaceyga gogoldhig ama hordhac uga dhigee:
Sarkaal waa Taliye ama hoggaamiye looga baahan yahay inuu tusaale u noqdo kuwa uu u talinayo (hogganiyano), gaar ahaan xagga:
1- Aqoonta
2- Hab-dhaqanka
3- Haybadda iyo karaamada uu ku kasbaday muuqaaalka il-qadka iyo milicsiga leh ee jirka iyo labiska.
(These three points known as combined values should be achieved through serious selection (in the first place), different training stages and high-quality attitudes).
Xaaladda ka dhalata saddexdaan qodob oo isku dhafan (wada jira) markuu kasbado ayuu mudan yahay in lagu magacaabo SARKAAL leh awood hoggaamin, isla markaana tusaale fiican oo ku dayasho leh u noqon karaa inta ka hooseeysa.
Hase yeeshee, su’aasha mudan in la isweydiiyo ayaa noqoneysa:
“Waa goorma marka si buuxda looga dhabeyn karo ama la sugi karo dhaqangalinta xaaladda aan sida kooban u soo bandhigay ee tilmaanta iyo sifaha u ah qofka qaatay magaca “Sarkaal?”
Jawaabta oo kooban:
1- Waa marka dalku yahay mid dhan walba ka dhisan: Xag Siyaadsadeed, Dhaqaale iyo Nabadgalyo.
2- Awoodihiisu taabagal yihiin.
3- Xaalad nabadeed iyo fursad xulasho ay jirto.
4- Dhismaha ama “Organikada” ciidankuna buuxdo oo aanay jirin sabab kalifeysa in la sameeyo dalacaad deg deg ah si loo buuxiyo xilalka banaan iyo darajada u qoran qabashada xil kasta.
Marka arrimaha Ciidamadeena, gaar ahaan, Xoogga Dalka Soomaaliyeed, laga doodayo ama dhaliilayo waa, in marka hore, la isla fahmaa qodobadaan hoose:
1) Saraakiishi Sare oo lahayd aqoonta iyo waayo-aragnimada Ciidan ee  berisamaadkii, midka ugu yar maanta waa 70 (todobaatan) jir da’ ah. Talo mooyee tabar kale ma laha.
2) Tabtii dagaal iyo hubkii ay soo barteen Saraakiishaas oo ay xirfadda gaarkaa u lahayeen midna maanta masraxa dagaalka Soomaaliya kama jiro.
3) In burburkii iyo Dagaalkii Sokeeye si buuxda oo hambo la’aan ah u saameeyay Ciidanka Xoogga Dalka, taasina ay kaliftay in dib-u-dhiskiisa sagxadda (ground zero) laga soo bilaabo.
4) Cidda lala dagaalamayo ma aha Cadaw dibadda ka soo duulay oo xuduudda dalka la isku horfadhiyo, balse waa shacabkii ciidanka loo dababaray inuu difaaco oo fallaagoobay, fikrad khaldan iyo ficil naxariis la’aan ah ku xasuuqaya ummaddooda.
5) Saraakiisha ciidanka, sida joogtada ah, ula nool, ka warqabta, la falgasha xilliga  hawlgalka dagaal iyo hawl-maalmeedka caadiga ah, intaba, la fulisa waa Saraakiisha Hoose (Xiddigle, Laba Xiddigle iyo Dhamme), wixii kuwaas ka sareeya doorkoodu waa ammar bixin iyo hubin/kormeer.
Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay in Jeneraal Odowaa iyo kuwa la filka ah ee sanooyinkaan dambe, laga soo bilaabo xilligii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf (2003) ilaa maanta diyaarintooda aad looga hawlgalay, aan xagga da’da iyo aqoonta looga habbooneeyn hoggaaminta iyo dagalgalinta ciidankeena maanta.
Dhanka kale, guusha Ciidanka laguma xaqiijin karo aqoonta iyo awoodda hubka oo kaliya, balse waxaa tixgalin iyo door muhim ah ku leh guusha oo u baahan in fiiro gaar loo yeesho dhisidda iyo kor u qaadidda MORAALKA Ciidanka, ayadoo laga eegayo dhanka xaddiga Mushaharka la siinayo, Quudinta, Xanaanada iyo Daryeelka guud.
Wali ma maqal Ciidan inta goobkiisa degaan loogu tagay geel loo qalay, waxa ay ka mid tahay qaababka ugu sahlan oo Moraalka iyo Niyadda Ciidanka kor loogu qaadi karo. Waa arrin fudud oo Madaxda Qaranka, Ganacsatada iyo Ururada Bulshadu si meerta ah u fulin karaan, isla markaana saameeyn ku yeelaneysa dareenka askarta naftooda u hibeeyay difaaca dadkooda.
Waxaa ila qumanaatay in aan idinla wadaago taariikh nololeedka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage – Taliyaha cusub Xoogga Dalka Soomaaliyeed:
-1987:  ayuu ku dhashay magaalada Aadanyabaal . Dugsiga Hoose/Dhexe  waxa uu ka dhigtay isla magaaladaas.
-2002-2005: wuxuu Dugsiga Sare ka dhigtay kana qalinjabiyay Xamar.
-2005: wuxuu ku biiray Ciidanka XDS asagoo ka tirsanaa Guutada 54 ilaalada Madaxtooyada Baydhabo, Jowhar iyo Xamar. Waa xilligii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo xaaladdu adkeyd Madaxtooyaduna hadba meel u guureeysay.
-15/07/2007: wuxuu ka mid aha Ciidan hal sano tababar ah loogu diray Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Kaweweta dalka Uganda. Isla sanadkaas ayuu qaatay tababar dheeri ah oo Macallinimo.
-2008: Leyli Sarkaalnimo  ayuu u galay Dugsiga Tababarka Ciidanka Bihanga ee dalka Uganda, asagoo soo bartay tabta dagaal ilaa heer Urur.
-26/12/2009: Waxa uu qaatay darajada “Xiddigle “.  Isla sanadkaas ayuu dalka Ugaanda ku qaatay tababar Abbaanduulka Hoose.
-2010: ayuu dalka dib ugu soo laabtay asagoo tababar 45 cisho ah ku qaatay Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Xamar.
– Sanadihii 2010-11-12: waxa uu door firfircoon ka qaatay dagaaladii lagu xoreynayay  Gobolka Banaadir, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose. Kadibna u dalacay darajada “Laba Xiddigle”.
-2013: wuxuu qaab abaalmarin ugu dalacay darajada “Dhamme”, isla sanadkaas ayuu galay Jaamacadda Difaaca Qaranka Istanbul, asagoo qaatay tababar Ciidanka Lugta ah iyo luqadaha.
-2014: ayuu dalka ku soo noqday. isla sanadkaas ayuu ku laabtay, mar kale, dalka Turkiga asagoo galay Kulliyadda Dagaalka Turkiga. Waxa uu soo bartay Istratejiyada Dagaalka heer Guuto “War strategy at Brigade Commander Level”.
-Luuliyo 2016: ayuu dalka ku soo laabtay. Wuxuna noqday mid ka mid ah Saraakiisha ugu firfircoon XDS, waxaana loo dalacsiiyay darajada “Gaashaanle”.
Isla markaana loo magacaabay Abbaanduulaha Ururka 60-aad Ciidanka ilaalada Madaxtooyada.
-Maarso 2018: Wuxuu noqday Taliyaha Ururka 60-aad Ciidanka ilaalada Madaxtooyada asagoo loo dalacsiiyay darajada “Gaashaanle  Dhexe”.
-Agoosto 2018: Asagoo ah Taliye Guuto ayaa loogu daray xilka Abbaanduulaha XDS, loona dalacsiiyay darajada “Sareeye Guuto”.
-Maarso 2019:  Waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka (Ground Force Commander).
-22/08/2019: Waxaa loo magacaabay Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS).
Sida ka muuqata tixanaha taariikh nololeedkiisa Ciidanka ee kor ku xusan
(2005-2019) Jeneraal Odowaa waxa uu leeyahay 15 sano oo Tababar aqooneed iyo Waaya-aragnimo shaqo ah uu ku qaban karo xilka Taliyaha Xoogga Dalka oo ku jira marxaladdii kobcinta iyo tayeynta dhan walba.
Waxaa kale oo la tijaabiyay in Jananku leeyahay karti, firfircooni iyo geesinimo qofeed oo u sahleysa go’aan qaadasho ku habboon qaabka weerarka iyo ugaarsiga argagixisada dhaqdhaqaaqeedu badan yahay oo aan, sida badan, lahayn aag loogu hagaago.
Odowaa, Jananka da’da yar, waxa uu nooga baahan yahay dhiirigalin iyo in la siiyo waqti lagu qiimeeyn karo waxqabadkiisa. Lamana gaarin waqtigii la dhaliili lahaa, haddii aanay dhaliishu ahayn middii dhaqanka iyo caadada noo ahayd ee dhihideeda afkeenu qabatimay.
“Xilka uu dhawaan u dhaartay
ha loo dhaafo dhowr gu’yaal
asagaa ka soo dhalaali”.
habiqleyso143@gmail.com
Abdirahman Hayir Hassan

Comments

Popular posts from this blog

Halkani waa Muqdishee maxaan wax looga qaban?

04 Okt 2019  – Inkastoo ay jiraan wadooyin la dayactiray hadana waxaa wali muuqanaya in marka la eego kaalinta ay muqdisho ka qaadato dhaqaalaha doowlada in ay aad u yartahay waxa magaalada dib loogu celiyo. Wasaarada maaliyada waxa ay horay u sheegtay in canshuurta muqdisho ka timaada ay sanadkii gaareyso 169 malyuun oo doolarka mareykanka ah taas oo ka badan kala bar miisaaniyada Dowlada. Waxaa dheer lacago kale oo dibedaha ka yimaada oo lagu kabo miisaaniyadda DF. Haddaba maxaa wax lagaga qaban la’yahay adeegyada dayacan? Sidoo kale waxaa jira dhaqaale si toos ah u gala gacanta doowlada hoose oo ah canshuurta doowlada hoose iyo qoondo uu gobalka Banaadir ka qaato dhaqaalaha dekadda ka soo xarooda.

SOOYAAL: Maxaa kala qabsaday Duq Buxuur & macallinkiisii Jarmalka ahaa?!

– Allaha u naxariistee Jenaraal Maxamed Abshir Muuse xiliguu ahaa taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliya sannadihii 60-meeyadii ayuu koox boliiska dambi-baarista u qaabilsan tababar ugu diray Wadanka Jarmalka oo booliiska Soomaliya caawimi jirey. Kooxdaasi wax aqoon ah oo ay u lahaayeen dambi-baarista ma jirin, laakiin waxaa kooxda ku jirey dhowr oday oo daba-gaabley ah oo ay danta iyo waayuhu iskood u tababareen oo siday dembi u baarayeen iyagu caqligooda kula soo baxay aqoon dembi baaris oo iyaga u gaar ah. Jarmalku waxay tababarka siinayeen dhowr waddan oo Afrikaan ah oo xiliyadaas xoriyadda qaatay. Macalinkii Jarmalku markuu qolkii tababarka soo galay ayuu ardaydii weydiiyey hadday arkaan qof dhintay oo jiirkiisii inta baab’aya keliya lafihiisii soo hareen sida lagu ogaan karo in qofkaasi yahay nin iyo inuu naag yahay. Duq Buxuur oo Soomali ah ayaa farta taagay: Waxaan ku ogaanaynaa dumarka iyo raggu waxay ku kala duwan yihiin lafaha miskaha oo miskaha dumarku way kala

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:     Xili Wali la dareemayo culeeska Siyaasadeed ee ka Dhashey Kala fikir Duwanaanta soo kala dhex gashey Madaxda Ahlusunna iyo Raysulwasaare Kheyre ee ku Saleysan Habka Awood Qeybsiga Galmudugta Dhismeysa kaa oo Sababey in ugu Dambeyn Ahlusunna Hakiso Faro_Galinada Amni ee Cusub Ayaa Haatan waxaa Xaalada Soo Dhex_Gashey Beesha Caalamka . Wakiilo ka Socda Beesha Caalamka ayaa Maanta ka Baaqdey Safar ay ku imaan lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb oo Guntiisu aheyd in Ay marqaati ka N oqdaan Heshiiska Dowladu la Gashey Ahlusunna dalabkaa oo ka Yimid Dhanka Madaxda Ahlusunna ayaa Noqonaya mid ay kaga Gudbayaan Shaki ay Ka Qabaan Tilaabooyinka Raysulwasaaruhu Qaadayo oo Walaaca Culumadu ka Qabto uu Yahay in Ugu dambeyn Raysulwasaaruhu ka Baxo Heshiiska maadaama aysan Jirin Cid Aragtay Nuqul ka mid ah Waxa Lagu heshiiyey Kheyre ayaa Isku Dayaya in uu Siyaasadiisa u Jaheeyo Qaab Si ahaan ka duwan  # Jadwalkiisii  Hore ee Heshiiska maadaama Xi