Skip to main content

Macallin Diego Simeone oo maqlay aflagaadadii uu Sergio Ramos u geystay calanwadaha kulankii xalay ee Madrid Debry & Kabtanka Los Blancos oo la ganaaxi karo

(Madrid) 29 Sebt 2019. Kulankii xalay Madrid Derby ee ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano kaasoo ku dhammaaday barbaro goolal la’aan ah kama aysan dhicin waxyaabo badan oo muran dhaliyey, marka laga reebo hal arrin oo ka dhacday meel ku dhow kursiga keydka gaar ahaan halka uu joogay macallinka Atletico Madrid ee Diego Simeone kaasoo ku baaqay in la ciqaabo kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.
Kabtanka kooxda Los Blancos ee Sergio Ramos kaasoo aan ku qancin go’aan uu qaatay calanwadaha ciyaarta ayaa inta dhankiisa soo saaday aflagaado u geystay hooyadiis, macacallinka Atletico Madrid ee Diego Simeone oo isna dhinac taagnaa ayaa ku qeyliyey calanwadaha, maadaama uusan wax tallaabo ah ka qaadin ciyaaryahanka Ramos oo aflagaadeeyey hooyadiis.
Hoggaamiyaha reer Argentina ee Diego Simeone ayaa isagoo la hadlayey calanwadaha kulankaas ee uu Ramos aflagaadeeyey hooyadiis waxa uu yiri: “Sidee ayaad ku ogolaan kartaa middaas? ‘wuxuu yiri dh*lo ayaa ku dhashay”.
Kanaalka Movistar ayaa kaamiraddiisu waxa ay qabatay dhacdadaan, waxaana ka muuqanayey Ramos oo hadal ku oronaya calanwadaha, xilli macallin Simeone uu si xun uga carooday hadalkaas, waxaana uu dalbaday in kabtanka kooxda Real Madrid loo taago kaar, waxaana uu xusuusiyey calan-hayaha aflagaadeyntii uu kala kulmay kabtanka Los Blancos.
Prof. Ortega oo ah caawiyaha tababare kooxda Atletico Madrid ayaa kaddib soo gaaray goobka uu falku ka dhacay waxaana uu garsooraha afaraad ee ciyaarta uu xusuusiyey in hadda ka hor Diego Costa casaan lagu siiyay aflagaado sidaan oo kala ah kulan ay la ciyaarayeen Barcelona, kaddibna siddeed kulan lagu ganaaxay.
Si kastaba ha ahaatee, lama garanayo wax ay xiriirka kubadda cagta dalka Spain ku ganaaxi doonaan ciyaaryahankan haddii uu warbixinta garsooraha ee ciyaarta uu ku soo daro aflagaadada uu calanwaduhu kala kulmay kabtanka Ramos.

Comments

Popular posts from this blog

Halkani waa Muqdishee maxaan wax looga qaban?

04 Okt 2019  – Inkastoo ay jiraan wadooyin la dayactiray hadana waxaa wali muuqanaya in marka la eego kaalinta ay muqdisho ka qaadato dhaqaalaha doowlada in ay aad u yartahay waxa magaalada dib loogu celiyo. Wasaarada maaliyada waxa ay horay u sheegtay in canshuurta muqdisho ka timaada ay sanadkii gaareyso 169 malyuun oo doolarka mareykanka ah taas oo ka badan kala bar miisaaniyada Dowlada. Waxaa dheer lacago kale oo dibedaha ka yimaada oo lagu kabo miisaaniyadda DF. Haddaba maxaa wax lagaga qaban la’yahay adeegyada dayacan? Sidoo kale waxaa jira dhaqaale si toos ah u gala gacanta doowlada hoose oo ah canshuurta doowlada hoose iyo qoondo uu gobalka Banaadir ka qaato dhaqaalaha dekadda ka soo xarooda.

SOOYAAL: Maxaa kala qabsaday Duq Buxuur & macallinkiisii Jarmalka ahaa?!

– Allaha u naxariistee Jenaraal Maxamed Abshir Muuse xiliguu ahaa taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliya sannadihii 60-meeyadii ayuu koox boliiska dambi-baarista u qaabilsan tababar ugu diray Wadanka Jarmalka oo booliiska Soomaliya caawimi jirey. Kooxdaasi wax aqoon ah oo ay u lahaayeen dambi-baarista ma jirin, laakiin waxaa kooxda ku jirey dhowr oday oo daba-gaabley ah oo ay danta iyo waayuhu iskood u tababareen oo siday dembi u baarayeen iyagu caqligooda kula soo baxay aqoon dembi baaris oo iyaga u gaar ah. Jarmalku waxay tababarka siinayeen dhowr waddan oo Afrikaan ah oo xiliyadaas xoriyadda qaatay. Macalinkii Jarmalku markuu qolkii tababarka soo galay ayuu ardaydii weydiiyey hadday arkaan qof dhintay oo jiirkiisii inta baab’aya keliya lafihiisii soo hareen sida lagu ogaan karo in qofkaasi yahay nin iyo inuu naag yahay. Duq Buxuur oo Soomali ah ayaa farta taagay: Waxaan ku ogaanaynaa dumarka iyo raggu waxay ku kala duwan yihiin lafaha miskaha oo miskaha dumarku way kala

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:     Xili Wali la dareemayo culeeska Siyaasadeed ee ka Dhashey Kala fikir Duwanaanta soo kala dhex gashey Madaxda Ahlusunna iyo Raysulwasaare Kheyre ee ku Saleysan Habka Awood Qeybsiga Galmudugta Dhismeysa kaa oo Sababey in ugu Dambeyn Ahlusunna Hakiso Faro_Galinada Amni ee Cusub Ayaa Haatan waxaa Xaalada Soo Dhex_Gashey Beesha Caalamka . Wakiilo ka Socda Beesha Caalamka ayaa Maanta ka Baaqdey Safar ay ku imaan lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb oo Guntiisu aheyd in Ay marqaati ka N oqdaan Heshiiska Dowladu la Gashey Ahlusunna dalabkaa oo ka Yimid Dhanka Madaxda Ahlusunna ayaa Noqonaya mid ay kaga Gudbayaan Shaki ay Ka Qabaan Tilaabooyinka Raysulwasaaruhu Qaadayo oo Walaaca Culumadu ka Qabto uu Yahay in Ugu dambeyn Raysulwasaaruhu ka Baxo Heshiiska maadaama aysan Jirin Cid Aragtay Nuqul ka mid ah Waxa Lagu heshiiyey Kheyre ayaa Isku Dayaya in uu Siyaasadiisa u Jaheeyo Qaab Si ahaan ka duwan  # Jadwalkiisii  Hore ee Heshiiska maadaama Xi