Mahrez oo ka hadlay loolanka u dhexeeya kooxaha Liverpool iyo Man City, kaddib guushii ay ka gaareen Everton
(Manchester) 29 Sebt 2019. Xiddiga Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa ka hadlay tartanka xiisaha leh ee u dhexeeya kooxaha Sky Blues iyo Liverpool ee ku aada hanaashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Dhinaca kale Riyad Mahrez ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in saaxiibadiis ay ka wada hadli doonaan sida ay xooga u saari lahaayeen kulamada soo socda ay ciyaari doonaan.
Riyad Mahrez ayaa gacan ka geystay guushii ay Manchester City 3-1 ka gaartay Everton, iyadoo ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Algeria uu dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta, kaasoo ahaa laad xur ah ee aad u qurux badan.
Mahrez oo ka soo muuqday warbaahinta kaddib ciyaarta ayaa wuxuu ka hadlay loolanka u dhexeeya labada kooxood Man City iyo Liverpool wuxuuna yiri:
“Liverpool ayaa ah hogaamiyaasha? waxaan isku dayeynaa inaan badino kulanba kulanka xiga, mana eegi doono dhanka miiska kala sareynta”.
“Kaliya waxaan dooneynaa inaan diiradda saarno nafteena oo aan sameyno qaab ciyaareed wanaagsan”.
Dhinaca kale Riyad Mahrez ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan in shan dhibcood ay ka hooseeyaan kooxda Liverpool, kaddib 7-dii ee laga ciyaaray horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan wuxuuna yiri:
“Weli waxaa jira dhibco badan oo aan u ciyaari doonno sida aan ku heli laheyn”.
Yeelkadeeda, Riyad Mahrez ayaa wuxuu ka qeyb qaatay 17 gool 17-kii kulan ugu danbeysay ee uu ku soo bilaawday kooxda Manchester City tartamada oo dhan, wuxuu dhaliyay 7 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 10 gool kale.
Comments
Post a Comment