(Madrid) 29 Sebt 2019. Tababaraha Madrid ee Zinedine Zidane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedka kooxdiisa ee kulankii xalay ee Derby Madrid ay kula ciyaareen Atletico Madrid.
Kooxaha Atlético Madrid iyo Real Madrid ayaa dhibcaha ku qeybsaday kulankii adkaa Madrid Derby ee xalay ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano, kaasoo ku soo idlaaday barbaro 0-0 ah.
Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa Real Madrid ay dooneysay in saddexda dhibcood ay ka qaadato Atletico Madrid, isla markaana ay u qalmeen kulankii xalay inay badiyaan, baadaama ay si xoogan halis u galiyeen goolka Atletico.
Zidane ayaa kulanka kaddib u sheegay shabakada beIN SPORTS:
“Maya ma aheyn kuwa ay ku jirtay cabsi, waxaan u ciyaarnay si aan u guuleysano, waxaa lagayaabaa inay wax uun ay naga maqnaayeen, laakiin waxaan ciyaarnay kulan fiican, waan ka xumahay ciyaartoyda, sababtoo ah waxa kaliya ee naga maqnaa ayaa ah dhameystirka weerarada”.
“Waxaan aad ugu faraxnay wixii aan sameynay, waxaana ka soo baxnay ciyaarta shabaqeena oo nadiif ah, waxaan u difaacanay si fiican, laakiin waxaan u qalanay wax kabadan hal dhibic”.
Mar wax laga weydiiyay macalinka reer France ee Zinedine Zidane in natiijada ay ciyaarta ku dhamaatay ay tahay mid cadaalad ah ayaa wuxuu ku jawaabay:
“Waan kuu sheegay, waxaan u qalanay inaan badino”.
“Waxaan ku sii socon doonaa kulanba kulanka xiga, maanta waxaa nahay hogaamiyaasha, waxaan dooneynay inaan dhibco dheeri ah helno, isla markaana aan shabaqeena ilaashano, sababtoo ah taasi waa muhiim”.
“Xilli ciyaareedka waa dheer yahay, waxaan xasuustaa in hadda kahor horyaalka aan ku guuleysanay isbuucii ugu dambeeyay, waxaana u malaynayaa in guuleystaha xilli ciyaareedkan uu sameyn doono isla sidaas oo kale”.
Comments
Post a Comment