Skip to main content

Ronaldo oo raadinaya inuu sameeyo rikoor taariikhi ah kulanka maanta ee Juventus

(Turin) 28 Sebt 2019. Kooxda Juventus ee uu qeyb ka yahay Cristiano Ronaldo ayaa waxay maanta kulan sahlan kula ciyaari doonaan naadiga yar ee SPAL, kulankan ayaa ka tirsan kulamada 6-aad ee horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, wuxuuna ka dhici doonaa Allianz Stadium.
Cristiano Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan ka dhaliyay ilaa iyo haatan horyaalka Serie A 2 gool oo kaliya, taasoo ka dhigan inuu gaaray goolkiisa 23-aad ee horyaalka tan iyo markii uu yimid kooxda Juventus sanadkii 2018.
Weeraryahanka reer Portugal ayaa wuxuu si xoogan u doonayaa kulanka ay maanta la ciyaari doonaan kooxda SPAL inuu goolal ka dhaliyo, si uu u wanaajiyo rikooradiisa.
Haddaba Ronaldo ayaa heysta fursad uu ku sameyn karo rikoor taariikhi ah haddii uu kulanka maanta awood u yeesho inuu dhaliyo 4 gool, isla markaana uu ka faa’iideysto awood yarida kooxda SPAL oo heysata ilaa iyo haatan kaliya 3 dhibcood, iyagoo fadhiya boosaska ugu dambeeya ee dhanka kala sareynta horyaalka Talyaaniga.
Ronaldo ayaa ujeedkiisu yahay inuu gaaro maanta rikoor cajiib ah, si uu u noqdo xiddigii ugu horreeyay addunka ee gaara goolkiisa 700-aad inta uu ku gudajiray xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta haddii ay ahaan laheyd heer kooxeed iyo xulkiisa qaranka Portugal, waana ciyaaryahankii lixaad ee taariikhda kubadda cagta soo maray ee sameeya rikoorkan.
Ronaldo ayaa dhaliyay 603 gool xirfadiisa ciyaareed ee heer kooxeed, iyo 93 gool ee ah xulkiisa qaranka Portugal, haddii uu kulanka maanta awood u yeesho inuu dhaliyo 4 gool, wuxuu gaari doonaa 700 gool, waxaana suurtogal ah inuu sidaas sameeyo maadaama uu horey ugu dhaliyay 4 gool in ka badan 1 kulan, wuxuuna sameeyay 7 kulan.

Comments

Popular posts from this blog

Halkani waa Muqdishee maxaan wax looga qaban?

04 Okt 2019  – Inkastoo ay jiraan wadooyin la dayactiray hadana waxaa wali muuqanaya in marka la eego kaalinta ay muqdisho ka qaadato dhaqaalaha doowlada in ay aad u yartahay waxa magaalada dib loogu celiyo. Wasaarada maaliyada waxa ay horay u sheegtay in canshuurta muqdisho ka timaada ay sanadkii gaareyso 169 malyuun oo doolarka mareykanka ah taas oo ka badan kala bar miisaaniyada Dowlada. Waxaa dheer lacago kale oo dibedaha ka yimaada oo lagu kabo miisaaniyadda DF. Haddaba maxaa wax lagaga qaban la’yahay adeegyada dayacan? Sidoo kale waxaa jira dhaqaale si toos ah u gala gacanta doowlada hoose oo ah canshuurta doowlada hoose iyo qoondo uu gobalka Banaadir ka qaato dhaqaalaha dekadda ka soo xarooda.

SOOYAAL: Maxaa kala qabsaday Duq Buxuur & macallinkiisii Jarmalka ahaa?!

– Allaha u naxariistee Jenaraal Maxamed Abshir Muuse xiliguu ahaa taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliya sannadihii 60-meeyadii ayuu koox boliiska dambi-baarista u qaabilsan tababar ugu diray Wadanka Jarmalka oo booliiska Soomaliya caawimi jirey. Kooxdaasi wax aqoon ah oo ay u lahaayeen dambi-baarista ma jirin, laakiin waxaa kooxda ku jirey dhowr oday oo daba-gaabley ah oo ay danta iyo waayuhu iskood u tababareen oo siday dembi u baarayeen iyagu caqligooda kula soo baxay aqoon dembi baaris oo iyaga u gaar ah. Jarmalku waxay tababarka siinayeen dhowr waddan oo Afrikaan ah oo xiliyadaas xoriyadda qaatay. Macalinkii Jarmalku markuu qolkii tababarka soo galay ayuu ardaydii weydiiyey hadday arkaan qof dhintay oo jiirkiisii inta baab’aya keliya lafihiisii soo hareen sida lagu ogaan karo in qofkaasi yahay nin iyo inuu naag yahay. Duq Buxuur oo Soomali ah ayaa farta taagay: Waxaan ku ogaanaynaa dumarka iyo raggu waxay ku kala duwan yihiin lafaha miskaha oo miskaha dumarku way kala

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:     Xili Wali la dareemayo culeeska Siyaasadeed ee ka Dhashey Kala fikir Duwanaanta soo kala dhex gashey Madaxda Ahlusunna iyo Raysulwasaare Kheyre ee ku Saleysan Habka Awood Qeybsiga Galmudugta Dhismeysa kaa oo Sababey in ugu Dambeyn Ahlusunna Hakiso Faro_Galinada Amni ee Cusub Ayaa Haatan waxaa Xaalada Soo Dhex_Gashey Beesha Caalamka . Wakiilo ka Socda Beesha Caalamka ayaa Maanta ka Baaqdey Safar ay ku imaan lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb oo Guntiisu aheyd in Ay marqaati ka N oqdaan Heshiiska Dowladu la Gashey Ahlusunna dalabkaa oo ka Yimid Dhanka Madaxda Ahlusunna ayaa Noqonaya mid ay kaga Gudbayaan Shaki ay Ka Qabaan Tilaabooyinka Raysulwasaaruhu Qaadayo oo Walaaca Culumadu ka Qabto uu Yahay in Ugu dambeyn Raysulwasaaruhu ka Baxo Heshiiska maadaama aysan Jirin Cid Aragtay Nuqul ka mid ah Waxa Lagu heshiiyey Kheyre ayaa Isku Dayaya in uu Siyaasadiisa u Jaheeyo Qaab Si ahaan ka duwan  # Jadwalkiisii  Hore ee Heshiiska maadaama Xi