Skip to main content

RW Imran Khan oo la burburi gaartey dayuurad la amaahiyay (Farta oo ku godan Maxamed Bin Salmaan)

 RW Pakistani ee Imran Khan ayaa sida lasoo werinayo waxaa cilladi lasoo gudboonaatey dayuuraddii uu ku safrayay ee siddey isaga iyo wefdi ballaaran oo ku socdey Pakistan, iyagoo ku khasbanaaday inay deg deg ugu degaan New York.Shaqaalaha dayuuradda ayaa ogaadey inay jirto cillad danabeed, 4 saacadood kaddib markii ay Jimcihii shalay ka duuleen isla New York iyagoo u socda, sida uu sheegay hilinka Samaa TV.Tafaasiisha cilladda ayaan lasii faahfaahin balse waxaa lagu tilmaamay kuwo halis ahaa, maadaama dayuuraddu ka noqotay meel u dhow Toronto, Canada. Waxayna ku degtey gegada New York ee John F. Kennedy International Airport.Maadaama dayuuradda la cillad bixin waayay, wuxuu Khan ku qasbanaaday inuu habeen dheeraad ah sii joogo hoteel magaalada ku yaalla, isagoo maanta dayuurad caadi ah raaci doona haddii aan la xallin cilladda.Waxaa jirta arrin kale oo xiise leh, waayo dayuuraddan hawada ku cilladoowdey waxaa iska leh dhaxal sugahay Sucuudiga ee Mohammed bin Salman, kaasoo amaahiyay Khan oo soo maray Riyaad isagoo dayuurad rakaab ah saaran, markii uu u socdey Maraykanka.Khan ayaa ka noqonayay Maraykanka oo uu kaga qayb gelay shirka Golaha Guud ee QM, halkaasoo uu ka sheegay  “dhiig lagu qubaysan doono” haddii ay sii cakirnaato xaaladda Kashmiir. Wuxuu sidoo kale muujiyay inuu nukliyeer u adeegsan doono Hindiya haddii uu dagaal bilowdo.   W/Q:Abdirahman Hayir 


Comments

Popular posts from this blog

Halkani waa Muqdishee maxaan wax looga qaban?

04 Okt 2019  – Inkastoo ay jiraan wadooyin la dayactiray hadana waxaa wali muuqanaya in marka la eego kaalinta ay muqdisho ka qaadato dhaqaalaha doowlada in ay aad u yartahay waxa magaalada dib loogu celiyo. Wasaarada maaliyada waxa ay horay u sheegtay in canshuurta muqdisho ka timaada ay sanadkii gaareyso 169 malyuun oo doolarka mareykanka ah taas oo ka badan kala bar miisaaniyada Dowlada. Waxaa dheer lacago kale oo dibedaha ka yimaada oo lagu kabo miisaaniyadda DF. Haddaba maxaa wax lagaga qaban la’yahay adeegyada dayacan? Sidoo kale waxaa jira dhaqaale si toos ah u gala gacanta doowlada hoose oo ah canshuurta doowlada hoose iyo qoondo uu gobalka Banaadir ka qaato dhaqaalaha dekadda ka soo xarooda.

SOOYAAL: Maxaa kala qabsaday Duq Buxuur & macallinkiisii Jarmalka ahaa?!

– Allaha u naxariistee Jenaraal Maxamed Abshir Muuse xiliguu ahaa taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliya sannadihii 60-meeyadii ayuu koox boliiska dambi-baarista u qaabilsan tababar ugu diray Wadanka Jarmalka oo booliiska Soomaliya caawimi jirey. Kooxdaasi wax aqoon ah oo ay u lahaayeen dambi-baarista ma jirin, laakiin waxaa kooxda ku jirey dhowr oday oo daba-gaabley ah oo ay danta iyo waayuhu iskood u tababareen oo siday dembi u baarayeen iyagu caqligooda kula soo baxay aqoon dembi baaris oo iyaga u gaar ah. Jarmalku waxay tababarka siinayeen dhowr waddan oo Afrikaan ah oo xiliyadaas xoriyadda qaatay. Macalinkii Jarmalku markuu qolkii tababarka soo galay ayuu ardaydii weydiiyey hadday arkaan qof dhintay oo jiirkiisii inta baab’aya keliya lafihiisii soo hareen sida lagu ogaan karo in qofkaasi yahay nin iyo inuu naag yahay. Duq Buxuur oo Soomali ah ayaa farta taagay: Waxaan ku ogaanaynaa dumarka iyo raggu waxay ku kala duwan yihiin lafaha miskaha oo miskaha dumarku way kala

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:     Xili Wali la dareemayo culeeska Siyaasadeed ee ka Dhashey Kala fikir Duwanaanta soo kala dhex gashey Madaxda Ahlusunna iyo Raysulwasaare Kheyre ee ku Saleysan Habka Awood Qeybsiga Galmudugta Dhismeysa kaa oo Sababey in ugu Dambeyn Ahlusunna Hakiso Faro_Galinada Amni ee Cusub Ayaa Haatan waxaa Xaalada Soo Dhex_Gashey Beesha Caalamka . Wakiilo ka Socda Beesha Caalamka ayaa Maanta ka Baaqdey Safar ay ku imaan lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb oo Guntiisu aheyd in Ay marqaati ka N oqdaan Heshiiska Dowladu la Gashey Ahlusunna dalabkaa oo ka Yimid Dhanka Madaxda Ahlusunna ayaa Noqonaya mid ay kaga Gudbayaan Shaki ay Ka Qabaan Tilaabooyinka Raysulwasaaruhu Qaadayo oo Walaaca Culumadu ka Qabto uu Yahay in Ugu dambeyn Raysulwasaaruhu ka Baxo Heshiiska maadaama aysan Jirin Cid Aragtay Nuqul ka mid ah Waxa Lagu heshiiyey Kheyre ayaa Isku Dayaya in uu Siyaasadiisa u Jaheeyo Qaab Si ahaan ka duwan  # Jadwalkiisii  Hore ee Heshiiska maadaama Xi