Skip to main content

Somaliland oo sheegtay inay ka qaybgelayso caleemo saarka Aadan Madoobe (Afar Arrimood oo ay eedi karto)

04 Okt 2019 – Nin la yiraahdo Naasir Cali Shire oo ka tirsan Baarlamanka Somaliland ayaa sheegay in 3 xildhibaan oo ay laba ka socoto Golaha Guurtida, midna ka socdo Golaha Wakiillada oo isaga ihi ay u amba bixi doonaan magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan munaasabadda caleemo saarka ah ee uu qabsanayo Axmed Madoobe oo sheegay inuu ku guulaystey doorashada Jubbaland.
Arrintan ayay dad badani ka falceliyeen, iyadoo mar qura diraysa dhowr ishaaro iyo caqabado hor socda ama daba socda.
1 – DF Somalia waxay awood u leedahay inay hubiso wixii u socda magaalada Kismaayo, taasoo u sahlaysa inay xannibaad kusoo rogto wefdigaasi.
2 – Haddii ay Somaliland xafladdaa ka qayb gasho waxay muujinaysaa laba ISHAARO oo aan sina u waafaqaynin siyaasadaha Somaliland iyo Axmed Madoobe.
A) Somaliland waxay u ekaanaysaa mid kusii milmaysa siyaasadda koonfurta taasoo ka dhigaysa maamul-goboleed ku fac ah, waana moowqif ka duwan midkii ay 28 sano ku doodaysay.
B) Axmed Madoobe waxaa loo arkayaa nin halis ku ah midnimada Somalia, haddii uu ku faraq xirto Somaliland oo ah maamul sheegta inuu ka go’ay Somalia inteeda kale, waloow aanay cidina aqoonsan.
3 – Axmed Madoobe haatan wuxuu u muuqdaa inuu siyaasad ahaan go’doonsan yahay, maadaama ay haatan sii xoogaysanayso saamaynta DF Somalia oo soo koobtay siyaasadihii madaxda maamullada ee u kala ordi jirey gobollada deriska, mararka qaar dowladda farta ugu yeeri jirey inta gadaal ka maraan dalal shisheeye.
4 – Arrintani waxay DF Somalia iyadana u sahlaysaa inay faragelin dhiirran ku sameeyso Somaliland, iyadoo leh galaangal iyo mudnaan (leverage) ka badan midda ay heli karto Somaliland, maadaama ay tahay dowladda weli sharciyan loo aqoonsan yahay inay ka taliso Somalia.
Wax kasta waqtiga ayaa sheegi doona, waa se arrin ka fikiris badan u baahan.

Comments

Popular posts from this blog

Halkani waa Muqdishee maxaan wax looga qaban?

04 Okt 2019  – Inkastoo ay jiraan wadooyin la dayactiray hadana waxaa wali muuqanaya in marka la eego kaalinta ay muqdisho ka qaadato dhaqaalaha doowlada in ay aad u yartahay waxa magaalada dib loogu celiyo. Wasaarada maaliyada waxa ay horay u sheegtay in canshuurta muqdisho ka timaada ay sanadkii gaareyso 169 malyuun oo doolarka mareykanka ah taas oo ka badan kala bar miisaaniyada Dowlada. Waxaa dheer lacago kale oo dibedaha ka yimaada oo lagu kabo miisaaniyadda DF. Haddaba maxaa wax lagaga qaban la’yahay adeegyada dayacan? Sidoo kale waxaa jira dhaqaale si toos ah u gala gacanta doowlada hoose oo ah canshuurta doowlada hoose iyo qoondo uu gobalka Banaadir ka qaato dhaqaalaha dekadda ka soo xarooda.

SOOYAAL: Maxaa kala qabsaday Duq Buxuur & macallinkiisii Jarmalka ahaa?!

– Allaha u naxariistee Jenaraal Maxamed Abshir Muuse xiliguu ahaa taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliya sannadihii 60-meeyadii ayuu koox boliiska dambi-baarista u qaabilsan tababar ugu diray Wadanka Jarmalka oo booliiska Soomaliya caawimi jirey. Kooxdaasi wax aqoon ah oo ay u lahaayeen dambi-baarista ma jirin, laakiin waxaa kooxda ku jirey dhowr oday oo daba-gaabley ah oo ay danta iyo waayuhu iskood u tababareen oo siday dembi u baarayeen iyagu caqligooda kula soo baxay aqoon dembi baaris oo iyaga u gaar ah. Jarmalku waxay tababarka siinayeen dhowr waddan oo Afrikaan ah oo xiliyadaas xoriyadda qaatay. Macalinkii Jarmalku markuu qolkii tababarka soo galay ayuu ardaydii weydiiyey hadday arkaan qof dhintay oo jiirkiisii inta baab’aya keliya lafihiisii soo hareen sida lagu ogaan karo in qofkaasi yahay nin iyo inuu naag yahay. Duq Buxuur oo Soomali ah ayaa farta taagay: Waxaan ku ogaanaynaa dumarka iyo raggu waxay ku kala duwan yihiin lafaha miskaha oo miskaha dumarku way kala

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:

Guud ahaan Xaalada magaalada Dhuusamareeb:     Xili Wali la dareemayo culeeska Siyaasadeed ee ka Dhashey Kala fikir Duwanaanta soo kala dhex gashey Madaxda Ahlusunna iyo Raysulwasaare Kheyre ee ku Saleysan Habka Awood Qeybsiga Galmudugta Dhismeysa kaa oo Sababey in ugu Dambeyn Ahlusunna Hakiso Faro_Galinada Amni ee Cusub Ayaa Haatan waxaa Xaalada Soo Dhex_Gashey Beesha Caalamka . Wakiilo ka Socda Beesha Caalamka ayaa Maanta ka Baaqdey Safar ay ku imaan lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb oo Guntiisu aheyd in Ay marqaati ka N oqdaan Heshiiska Dowladu la Gashey Ahlusunna dalabkaa oo ka Yimid Dhanka Madaxda Ahlusunna ayaa Noqonaya mid ay kaga Gudbayaan Shaki ay Ka Qabaan Tilaabooyinka Raysulwasaaruhu Qaadayo oo Walaaca Culumadu ka Qabto uu Yahay in Ugu dambeyn Raysulwasaaruhu ka Baxo Heshiiska maadaama aysan Jirin Cid Aragtay Nuqul ka mid ah Waxa Lagu heshiiyey Kheyre ayaa Isku Dayaya in uu Siyaasadiisa u Jaheeyo Qaab Si ahaan ka duwan  # Jadwalkiisii  Hore ee Heshiiska maadaama Xi