Somaliland oo sheegtay inay ka qaybgelayso caleemo saarka Aadan Madoobe (Afar Arrimood oo ay eedi karto)
04 Okt 2019 – Nin la yiraahdo Naasir Cali Shire oo ka tirsan Baarlamanka Somaliland ayaa sheegay in 3 xildhibaan oo ay laba ka socoto Golaha Guurtida, midna ka socdo Golaha Wakiillada oo isaga ihi ay u amba bixi doonaan magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan munaasabadda caleemo saarka ah ee uu qabsanayo Axmed Madoobe oo sheegay inuu ku guulaystey doorashada Jubbaland. Arrintan ayay dad badani ka falceliyeen, iyadoo mar qura diraysa dhowr ishaaro iyo caqabado hor socda ama daba socda. 1 – DF Somalia waxay awood u leedahay inay hubiso wixii u socda magaalada Kismaayo, taasoo u sahlaysa inay xannibaad kusoo rogto wefdigaasi. 2 – Haddii ay Somaliland xafladdaa ka qayb gasho waxay muujinaysaa laba ISHAARO oo aan sina u waafaqaynin siyaasadaha Somaliland iyo Axmed Madoobe. A) Somaliland waxay u ekaanaysaa mid kusii milmaysa siyaasadda koonfurta taasoo ka dhigaysa maamul-goboleed ku fac ah, waana moowqif ka duwan midkii ay 28 sano ku doodaysay. B) Axmed Madoobe waxaa loo