Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2019

Muxuu ka yiri Zidane kulankii Madrid Derby ay xalay barbaraha la galeen kooxda Atletico Madrid??

(Madrid) 29 Sebt 2019.   Tababaraha Madrid ee Zinedine Zidane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedka kooxdiisa ee kulankii xalay ee Derby Madrid ay kula ciyaareen Atletico Madrid. Kooxaha Atlético Madrid iyo Real Madrid ayaa dhibcaha ku qeybsaday kulankii adkaa Madrid Derby ee xalay ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano, kaasoo ku soo idlaaday barbaro 0-0 ah. Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa Real Madrid ay dooneysay in saddexda dhibcood ay ka qaadato Atletico Madrid, isla markaana ay u qalmeen kulankii xalay inay badiyaan, baadaama ay si xoogan halis u galiyeen goolka Atletico. Zidane ayaa kulanka kaddib u sheegay shabakada beIN SPORTS: “Maya ma aheyn kuwa ay ku jirtay cabsi, waxaan u ciyaarnay si aan u guuleysano, waxaa lagayaabaa inay wax uun ay naga maqnaayeen, laakiin waxaan ciyaarnay kulan fiican, waan ka xumahay ciyaartoyda, sababtoo ah waxa kaliya ee naga maqnaa ayaa ah dhameystirka weerarada”. “Waxaan aad ugu faraxnay wixii aan samey

Mahrez oo ka hadlay loolanka u dhexeeya kooxaha Liverpool iyo Man City, kaddib guushii ay ka gaareen Everton

(Manchester) 29 Sebt 2019.   Xiddiga Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa ka hadlay tartanka xiisaha leh ee u dhexeeya kooxaha Sky Blues iyo Liverpool ee ku aada hanaashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Dhinaca kale Riyad Mahrez ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in saaxiibadiis ay ka wada hadli doonaan sida ay xooga u saari lahaayeen kulamada soo socda ay ciyaari doonaan. Riyad Mahrez ayaa gacan ka geystay guushii ay Manchester City 3-1 ka gaartay Everton, iyadoo ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Algeria uu dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta, kaasoo ahaa laad xur ah ee aad u qurux badan. Mahrez oo ka soo muuqday warbaahinta kaddib ciyaarta ayaa wuxuu ka hadlay loolanka u dhexeeya labada kooxood Man City iyo Liverpool wuxuuna yiri: “Liverpool ayaa ah hogaamiyaasha? waxaan isku dayeynaa inaan badino kulanba kulanka xiga, mana eegi doono dhanka miiska kala sareynta”. “Kaliya waxaan dooneynaa inaan diiradda saarno nafteena oo aan sameyno qaab ciyaareed wanaag

Frank Lampard oo soo afjaray murankii ka taagnaa tuurista rigoorooyinka kooxda Chelsea

London) 29 Sebt 2019. Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa soo afjaray murankii ku saabsanaa xiddigha u tuuraya Blues rigoorooyinka xilli ciyaareedkan. Chelsea ayaa shalay guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Brighton & Hove Albion Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Talyaani Jorginho ayaa dhaliyay rigooradii loo dhigay daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta, kahor inta uusan goolka 2-aad dhalinin xiddiga reer Brazil ee Willian daqiiqadii 76-aad. Kaddib murankii ka taagnaa xilliyadii lasoo dhaafay ciyaaryahanka looga dambeyn doono tuurista rigoorooyinka ee Blues, ayaa kaddib ciyaarta waxaa tababare Frank Lampard la weydiiyay su’aal ku saabsan haddii uu Jorginho yahay khabiirka rigoorooyinka ee kooxda reer London wixii xilligan ka dambeeya wuxuuna ku jawaabay: Haa, isagu waa sidaas, tani waa dhamaadka sheekada, wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha”. “Waxaan u baahneyn

Aubameyang oo go’amiyay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal kahor kulanka Manchester United

(London) 29 Sebt 2019.  Xiddiga reer Gabone ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu u dhaqaaqayo Manchester United suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay. Hadalka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wuxuu imaanayaa ka hor kulanka ay Arsenal ku booqan doonto kooxda Manchester United habeen dambe ee Isniinta ah Old Trafford si ay u soo xiraan kulamadii 7-aad ee Isbuucan laga ciyaaray horyaalka Premier League. 30 jirkan  reer Gabone ayaa 6 gool ku dhaliyay 6 kulan uu xilli ciyaareedkan ka soo muuqday kooxda Arsenal, isagoo 22 gool ka dhaliyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, isagoo kabta gooldhalinta ee Golden Boot la wadaagay xiddigaha kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax iyo Sadio Mane. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “Sky Sports” wuxuu ku sheegay: “Waxaan dareemayaa inaan wax uun ka badali karno kooxdan, waana isku dayi doonaa, hadda waa waqt

Macallin Diego Simeone oo maqlay aflagaadadii uu Sergio Ramos u geystay calanwadaha kulankii xalay ee Madrid Debry & Kabtanka Los Blancos oo la ganaaxi karo

(Madrid) 29 Sebt 2019.  Kulankii xalay Madrid Derby ee ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano kaasoo ku dhammaaday barbaro goolal la’aan ah kama aysan dhicin waxyaabo badan oo muran dhaliyey, marka laga reebo hal arrin oo ka dhacday meel ku dhow kursiga keydka gaar ahaan halka uu joogay macallinka Atletico Madrid ee Diego Simeone kaasoo ku baaqay in la ciqaabo kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos. Kabtanka kooxda Los Blancos ee Sergio Ramos kaasoo aan ku qancin go’aan uu qaatay calanwadaha ciyaarta ayaa inta dhankiisa soo saaday aflagaado u geystay hooyadiis, macacallinka Atletico Madrid ee Diego Simeone oo isna dhinac taagnaa ayaa ku qeyliyey calanwadaha, maadaama uusan wax tallaabo ah ka qaadin ciyaaryahanka Ramos oo aflagaadeeyey hooyadiis. Hoggaamiyaha reer Argentina ee Diego Simeone ayaa isagoo la hadlayey calanwadaha kulankaas ee uu Ramos aflagaadeeyey hooyadiis waxa uu yiri: “Sidee ayaad ku ogolaan kartaa middaas? ‘wuxuu yiri dh*lo ayaa ku dhashay”. Kanaalka Movi

Faarax Macallin: Maalqabeennada Soomaaliya Waxay Ka Wareegeen Kenya

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa sheegay in ay soo baxday digniin sanad kahor uu kasoo saaray siyaasadda arrimaha dibadda Kenya, kuna aadan in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha. Wuxuu tilmaamay in Soomaalida u wareegeen hadda dalalka Itoobiya iyo Turkiga oo uu tilmaamay iney u weeciyeen dhaqaalahooda. 150,000 qoys oo Soomaali ah ayuu sheegay in deganaansho rasmi ah ka heleen dalka Turkiga, sidoo kalena ay iibsadeen guryo. Faarax Macalin ayaa sheegay in ganacsatada iyo maalqabeenka Soomaalida ka wareegeen Kenya una wareegeen Itoobiya. Dhaqaalihii Kenya ka heli jirtay Soomaalida ayuu sheegay in hoos u dhac weyn ku yimid, sababtuna ay tahay siyaasad xumid arrimaha dibadda ee dalkaas. Kenya ayaa hadda dareemeysa culeyso dhaqaale, waxaana si aad ah hoos u dhacay maalgashigii ay Soomaalida ku sameyn jireen dalkaasi, iyaga oo u weecday Itoobiya iyo Turkiga.

SOOYAAL: Maxaa kala qabsaday Duq Buxuur & macallinkiisii Jarmalka ahaa?!

– Allaha u naxariistee Jenaraal Maxamed Abshir Muuse xiliguu ahaa taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliya sannadihii 60-meeyadii ayuu koox boliiska dambi-baarista u qaabilsan tababar ugu diray Wadanka Jarmalka oo booliiska Soomaliya caawimi jirey. Kooxdaasi wax aqoon ah oo ay u lahaayeen dambi-baarista ma jirin, laakiin waxaa kooxda ku jirey dhowr oday oo daba-gaabley ah oo ay danta iyo waayuhu iskood u tababareen oo siday dembi u baarayeen iyagu caqligooda kula soo baxay aqoon dembi baaris oo iyaga u gaar ah. Jarmalku waxay tababarka siinayeen dhowr waddan oo Afrikaan ah oo xiliyadaas xoriyadda qaatay. Macalinkii Jarmalku markuu qolkii tababarka soo galay ayuu ardaydii weydiiyey hadday arkaan qof dhintay oo jiirkiisii inta baab’aya keliya lafihiisii soo hareen sida lagu ogaan karo in qofkaasi yahay nin iyo inuu naag yahay. Duq Buxuur oo Soomali ah ayaa farta taagay: Waxaan ku ogaanaynaa dumarka iyo raggu waxay ku kala duwan yihiin lafaha miskaha oo miskaha dumarku way kala

”Kenya waa eedday siyaasadda ”XAASIDNIMADA” ah ee ay ku wajahdey Somalia!” – Faarax Macallin oo kashifay dhib soo wajahey Kenya

Nairobi) 28 Sebt 2019  – Ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolaha haysta gaar ahaan qurba joogta ayaa la sheegayaa inay ka weecanayaan maalgashiga Kenya, sida uu sheegay xildhibaankii hore ee Lagdera MP ee Faarax Macalim. Macallim ayaa eedda u tiriyay Xafiiska Madaxwayaha Kenya iyo Wasaarad Dibadeedka dalkaasi, kuwaasoo ”siyaasad cadaawadeed” ku wajahey Soomaalida oo iyaguna joojiyay balaayiin shilin oo ay dalkaa gashan lahaayeen, sida uu qabo. “Marka la eego siyaasadda xafiiska Madaxwaynaha iyo Wasaarad Dibadeedka, dhamaanba qurajoogta Soomaalidu waxay dooran lahaayeen maalgashiga Kenya iyo dhismaha dhaqaalaha Kenya. Balse waxaan u muujinnay hujuun aan lasii ogayn oo ku dhisan xaasidnimo. Somalia waxay dhowaan noqonaysaa Eldorado kale. Marka waxaan u baahan nahay samaddoonnimo wanaagsan si aan wax ula wadaagno,” ayuu kusoo qoray  boggiisa Twitter-ka . Faarax ayaa sheegau in siyaasad xumada Kenya ay iminka si xun u saamaysay dhaqaalaha Kenya, maadaama ay sidaa ku seegtay dad badan

RW Imran Khan oo la burburi gaartey dayuurad la amaahiyay (Farta oo ku godan Maxamed Bin Salmaan)

 RW Pakistani ee Imran Khan ayaa sida lasoo werinayo waxaa cilladi lasoo gudboonaatey dayuuraddii uu ku safrayay ee siddey isaga iyo wefdi ballaaran oo ku socdey Pakistan, iyagoo ku khasbanaaday inay deg deg ugu degaan New York. Shaqaalaha dayuuradda ayaa ogaadey inay jirto cillad danabeed, 4 saacadood kaddib markii ay Jimcihii shalay ka duuleen isla New York iyagoo u socda, sida uu sheegay hilinka Samaa TV. Tafaasiisha cilladda ayaan lasii faahfaahin balse waxaa lagu tilmaamay kuwo halis ahaa, maadaama dayuuraddu ka noqotay meel u dhow Toronto, Canada. Waxayna ku degtey gegada New York ee John F. Kennedy International Airport. Maadaama dayuuradda la cillad bixin waayay, wuxuu Khan ku qasbanaaday inuu habeen dheeraad ah sii joogo hoteel magaalada ku yaalla, isagoo maanta dayuurad caadi ah raaci doona haddii aan la xallin cilladda. Waxaa jirta arrin kale oo xiise leh, waayo dayuuraddan hawada ku cilladoowdey waxaa iska leh dhaxal sugahay Sucuudiga ee Mohammed bin Salman, kaasoo amaahiy

SAFARKA FARMAAJO – Rajo iyo ifafaale!

28 Sebt 2019  – Waxaan muddo badan si dhow ula socon jiray madaxda Soomaalida iyo muuqaalka ay soo bandhigaan marka ay safar hawleed ku tagaan fagaarayaasha caalamka. Haatan waxaa si dhow u eegay safarka Madaxweyne Farmaajo ee UN-ka Farmaajo waxaa uu sameeyey tillaab ku dayasho iyo bogaadin mudan oo huwan sharaf iyo karaamo isla markaasna shacabka Soomaaliyeed ku abuureysa rajo iyo ifafaale wanaagsan. Dhawrkan qodob ayaan ka soo qaadanayaa wixii aan ka mulaaxadeeyey safarka madaxweynaha iyo hab jilliinkii wafdiga Soomaalida ee fagaaraha QM. 1. Madaxweynaha wuxuu watay hawlwadeeno heerar ka kala duwan leh oo u noqday garbo joogistiisa ka dhigay mid macne weyn leh, waxaana ka mid ahaa garbahaas wasiirada, safiirada iyo hawlwadeenada Madaxtooyada oo dhammaantood hawlo muhiim ah u qabanayeen madaxweynaha. 2. Farmaajo waxaa uu muujiyey inuu dhammaan xubnaha wafdiga ee la socday uu ka talo galinayey hawsha iyo qudbadda intaba, taas oo qudbadiisa ka dhigtay mid ay goldalooladeedu

Ronaldo oo raadinaya inuu sameeyo rikoor taariikhi ah kulanka maanta ee Juventus

(Turin) 28 Sebt 2019.  Kooxda Juventus ee uu qeyb ka yahay Cristiano Ronaldo ayaa waxay maanta kulan sahlan kula ciyaari doonaan naadiga yar ee SPAL, kulankan ayaa ka tirsan kulamada 6-aad ee horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, wuxuuna ka dhici doonaa Allianz Stadium. Cristiano Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan ka dhaliyay ilaa iyo haatan horyaalka Serie A 2 gool oo kaliya, taasoo ka dhigan inuu gaaray goolkiisa 23-aad ee horyaalka tan iyo markii uu yimid kooxda Juventus sanadkii 2018. Weeraryahanka reer Portugal ayaa wuxuu si xoogan u doonayaa kulanka ay maanta la ciyaari doonaan kooxda SPAL inuu goolal ka dhaliyo, si uu u wanaajiyo rikooradiisa. Haddaba Ronaldo ayaa heysta fursad uu ku sameyn karo rikoor taariikhi ah haddii uu kulanka maanta awood u yeesho inuu dhaliyo 4 gool, isla markaana uu ka faa’iideysto awood yarida kooxda SPAL oo heysata ilaa iyo haatan kaliya 3 dhibcood, iyagoo fadhiya boosaska ugu dambeeya ee dhanka kala sareynta horyaalka Talyaaniga. Ronaldo ayaa

Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Madrid Derby

(Madrid) 28 Sebt 2019.   Tababare Zinedine Zidane ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka ka tirsan horyaalka La Liga ee Madrid Derby. Los Blancos ayaa booqanaysa garoonka Wanda Metropolitano caawa oo Sabti ah waxaana ay halkaas kula dheeli doonaan kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Atletico Madrid oo kal ciyaareedkan ay wajiyo cusub ku soo biireen. Haddaba liiskan rasmiga ah uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane ayaa waxaa lagu arkay war aad ugu wanaagsan taageerayaasha kooxda Real Madrid kahor kulanka caawa ee Madrid Derby, taasoo ah dib u soo laabashada Luka Modric. Laakiin waxaa wali maqan isla markaana aan liiskan ku soo bixin xiddiga reer Brazil ee Marcelo iyo saaxiibkiis Ferland Mendy waxayna ku maqan yihiin sababa la xiriira dhaawac. Haddaba liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka adag ee caawa Madrid Derby oo dhameystiran halka hoose kaga boggo:

Jeneraal Odowaa dhiirigalin mooyee dhaliil nagama mudna

(Hadalsame) 28 Sebt 2019   – Waxaa 22-kii bishii tagtay Agoosto 2019 loo magacaabay Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Jeneral Odowaa Yuusuf Raaghe  oo 32 jir ah. Waxaa maalmahaan igu batay in aan arko dad badan oo duraya ama dood galinaya magacaabidda Odowaa loo magacaabay xilkaas, ayagoo sabab uga dhigaya inuu yahay Sarkaal da’ yar oo aan lahayn waayo-aragnimo ku filan, kuna qaban karo xilkaas. Hase yeeshee, waxaa jira dad kale oo aan anigu ka mid ahay oo qaba in Jeberaal Odowaa uu leeyahay Aqoon, Waaya-aragnimo shaqo iyo karti uu ku qaban karo xilkaas, xilligeedina la joogo. Aan aragtida difaaceyga gogoldhig ama hordhac uga dhigee: Sarkaal waa Taliye ama hoggaamiye looga baahan yahay inuu tusaale u noqdo kuwa uu u talinayo (hogganiyano), gaar ahaan xagga: 1- Aqoonta 2- Hab-dhaqanka 3- Haybadda iyo karaamada uu ku kasbaday muuqaaalka il-qadka iyo milicsiga leh ee jirka iyo labiska. (These three points known as combined values should be achieved through seri

Ilwaad Elman oo qarka u saaran inay hanato Abaalmarinta Nobel Peace Prize

(Oslo) 28 Sebt 2019   – Gayfanaha Soomaaliyeed ee Ilwaad Elman, oo ka guurtey Canada si ay u degto Somalia 2010-kii si ay u xirato kabihii aabbeheed Allaha u naxariistee Elman oo isla halkaa lagu kharaajiyay bartamihii 90-meeyadii ayaa iminka u sharraxan abaalmarin caalami ah. Ilwaad oo u ololaysa xuquuqda insaanka, inaan carruurta la askarayn, haweenka la kulma cunfiga jinsiga la xiriira, ayaa sanadkan hanan karta abaalmarinta Nobel Peace Prize, sida kasoo baxday dalka Norway. Machadka Daraasaadka Nabadda ee Oslo (PRIO) oo ku dhawaaqay liiska dadka ugu dambeeya ee sharraxan ayaa sheegay in ay Ilwaad ku guulaysan karto iyadoo geleeysa khaanadda Da’yarta Nabadda u Ololaysa (Youth Peace Activism) Agaasimaha PRIO ee Henrik Urdal ayaa sheegay inay 3 qofi abaalmarintan ku herdamayaan waxaana Ilwaad wehliya gayfane Libyan ah oo la yiraahdo Hajer Sharief iyo xildhibaanka ugu da’da yar baarlamaanka Hong Kong Md Nathan Law Kwun-chung.